Maxkamada Gobolka Oo u Yeertay Gudoomiye Degmo ee hore

Somalia news

Wararka dheeraad ah ayaa laga helayaa warqad u yeeritaan ah oo ay soo saartay Maxkamada Gobolka Benadir ayaa lagu faray Gudoomiyihii hore Degmada Yaaqshiid Mr.Axmed Maxamed Xasan Geedoow inuu hor tago Maxkamada si wax looga weydiiyo dacwo la xiriirta Qandaraaska…

Qoraalka ka soo baxay Maxkamada Gobolka oo lagu baahiyay Warbaahinta Dowladda ayaa lagu amray inuu hor tago Mr.Axmed Maxamed Maxkamada 10-ka April 2022 si wax looga weydiiyo Heshiiskii bixinta Qandaraaska lagu dhisay xarunta Degmada Yaaqshiid oo uu ku saxiixan yahay.

Maxkamada ayaa u qabay muddo maalmo ah inuu hor tago, iyafoo dacwad la xiriirta Qandaraaska ay geeyeen Shirkadii dhistay Xarunta degmada oo muddo sanado ah aan la siinin dhaqaalihii ku baxay dhismaha xarunta degmada.

179690cookie-checkMaxkamada Gobolka Oo u Yeertay Gudoomiye Degmo ee hore