Tiro Badan Oo Suufiyad Hubeysan ayaa lagu soo Bandhigay Degmada Guricel..

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Abaabul xoogan oo Hogaanka Hey’adda NISA ka wado Degmada Guricel oo uu ka soo jeedo, iyadoo lagu soo bandhigay dhalinyaro degaanka ah oo hubeysan, kuwaasoo loo diyaariyey inay ka qeyb noqdaan howlgalka dhamaystirka wejiga 2-aad Kooxda Argagixisada la qorsheeyay looga saarayo degaanada ay ka joogaan Galmudug…

Wararka ayaa sheegay in sidoo kale la abaabulaayo Ciidamada Xooga Dalka iyo kuwa Degaanka Dhuusa mareeb ayaa abaabulkii ugu dambeeyay dagaalka dhamaystirka wejiga 2-aad ee dagaalka halkaasoo uu maalmaha fooda nagu soo haya ka bilaabanayo hawlgalkaan.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu gaaro dhawaan farsiina ka dhigto magaalada Dhuusa mareeb kana hagi doona Howlgalada, halka Magaalada Aadan Yabaal ay noqon doonto fariisinka 1-aad, waxaana la qorsheeyay inuu Madaxweynaha uu muddo 2-bilood ku negaan doono degmooyinkaasi,

269050cookie-checkTiro Badan Oo Suufiyad Hubeysan ayaa lagu soo Bandhigay Degmada Guricel..