Maxkamada Hiiraan Oo Sii Deysay Tiro Muwaadiniin ah

Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa Xukun ay maanta riday Maxkamada Gobolka Hiiraan, iyadoo 6-qof oo Muwaadiniin ah u celisay xoriyadooda, kadib markii lagu xiray amar ka soo baxay Maamulka Hir-Shabelle, iyadoo ku Eedeeyay dhowr qodob oo ay jebiyeen…

Dhalinyaradaan oo isugu jiray Rag iyo Haween, ayaa lagu eedeeyay iney kicin dadweyne ka wadeen Magaalada B/weyne, waxaana la horgeeyay Maxkamada Gobolka Hiiraan, kuwaasoo lagu waayay dembiyadii lagu eedeeyay, Go’aankaan Ayaa ku dhawaaqay Gudoomiyaha Maxkamada.

Garsoore C/Xakiim Muxumed Taakooy ayaa sheegay in la soo gabogabeeyay isla markaasna aan la soo dhameystirin dacwada loo heysto Dhalinyaradaan isla markaasna aysan waafaqsaneyn Xeerka Ciqaabta, wuxuuna amray in xoriyadooda dib loogu celiyo.

Dhalinyaradaan ayaa magacyadoodu kala yihiin:-

-Cabdi Daahir Xeeroow

-Maryan Aadan Hilowle

-Deeqo Cabdi Waare

-Xasan Cabdi Guure

-Cabdiraxman Cabdulahi Cilmi

-Xasan Cabdiraxman Maxamed

94150cookie-checkMaxkamada Hiiraan Oo Sii Deysay Tiro Muwaadiniin ah