Maxaa Kala Socotaa Dhismihii, Tababarkii iyo Maalgelintii ee Horjoogayaasha Kooxda Shababka…

Somalia news


Garabyada hubeysan Islaamiyiinta Somalia, oo ay hoggaan u ahaayeen Maxkamadihii shareecada Islaamka ee soo shaac-baxay sannadkii 2006, waxa ay ku fashilmeen in ay midnimadooda iyo wadajirkooda adkeeyaan, sida ay u adkeeyeen Islaamiyiintii Afghanistan, oo ay horkacayeen Taalibaan oo, markii u horreysay la wareegtay xukunka Afghanistan sannadkii 1996, ka hor inta uusan Mareykanku afgambinin sanadkii 2001…

Xogo loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in ka hor intii aan kooxda argagixisada Shabaabka la aasaasin, qaar ka mid ah Horjoogayaashii hore iyo kuwa xiligaan maamula, ayaa la xaqiijiyay in lagu soo tababartay Dalka Afghanistan ee ururka Taalibaan, xiligii kooxda Al-Qaacida ay dalkaasi taladiisa saameynta ku laheyd.

Tirada Horjoogayaasha la tababaray ayaa lagu qiyaasaa 17-Xubnood kuwaasoo ay hadda ka nool yihiin Mahad Qaley (Karatee), Fu’aad Shongole iyo Mukhtaar Roobow, iyadoo Horjoogaha xiriirka sameeyay lagu sheego Marxuum Ibraahim Afghan kaasoo si dhow ula shaqeyn jiray Horjoogayaashii Ajaaniibta ahaa ee Somalia ku sugnaa, sida Fazul Cabdalla, Saalax Nabhaan iyo Al-Mansuur Al-Imriiki oo dhammaanbtood la dilay.

Dilka Ibraahim Xaaji Jasmac (Afghani) ayaa la sheegay inuu ka soo bilaawday Khilaafkii u dhexeeyay isaga iyo Axmed Godane wuxuuna ka bilowday warqad uu u diray Ayman Al-zawaahiri oo uu ku dhalleeceynayay Hogaanka Godane. Arrinta warqaddaas waxaa baahiyay bogagga Al-Shabaab ka hor intii aan la dilin Ibrahim Al-Afghani.

272480cookie-checkMaxaa Kala Socotaa Dhismihii, Tababarkii iyo Maalgelintii ee Horjoogayaasha Kooxda Shababka…