Kuraasta Garbahaarey Oo La Sheegay in Dib Loo dhigaayo

Somalia news

Murugo & welwel ayaa la sheegay inuu soo food saaray Farmaajo & Taageerayaashiisa, kadib markii Afhayeenka Guddiga Doorashada uu ka dhawaajiyay in laga socon doono haddii lagu heshiin waayo kuraasta Garbahaarey. Kooramku haddii uu dhammaado guddoomiye baarlamaan iyo madaxweyne ayaa la dooranayaa, ayuu raaciyay…

Kuraasta loo qondeeyay magaalada Garbahaarey oo dhan 16-kursi ayaa waxey xudun u aheyd murunka Doorashada, iyadoo Heshiisyadii Dhuusa mareeb 1,2 & 3 ay qaarna guuleysteen halka kuwo kalena ay fashilmeen, iyadoo khikaafka ugu u ka taagaan Cidda Maamuleysa Kuraasta Degmada Garbahaarey oo uu ka jeedo Farmaajo isla markaasna ku uruursaday Maleeshiyaad beeleedyo iyo xoogag isaga daacad u ah, si uu u boobo Kuraasta.

Afhayeenka Doorashada ayaa sheegay in ilaa hadda aan xal siyaasadeed deg deg ah laga gaarin laguna kala aragti duwan yahay, ay qaadan doonaan talaabo ah in loo gudbiyo Dowladda cusub hadii uu Koorumku buuxsamo lana dooran doono Gudoomiye Baarlamaan & Maxweyne, inkastoo ay aad uga caroodeen Farmaajo & Taageerayaashiisa waxeyna ku hanjabeen iney qalalaase abuuri doonaan hadii la hakiyo -6-kursi ee Garbahaarey.

169730cookie-checkKuraasta Garbahaarey Oo La Sheegay in Dib Loo dhigaayo