Muxuu Dilka Horjooge Eyman uga Dhigan yahay Dowladaha Kenya & Somalia…

Africa News Somalia news

17-kii Bishaan ayaa Diyaaradaha Drones-ka USA duqeyn ku beegsadeen Horjooge Khaliif Daa’uud (Macallin Eyman) kuna dileen, iyadoo Duqeynta ay ka dhacday guri ku yaal magaalada Jilib, ka hor Horjogahaan khatarta badnaa ayaa Macallin Dugsi Qur’aan ka ahaa magaalada Mandheera ee Dalka Kenya..

Xogo amaan oo loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in Horjooge Eyman uu ahaa horjoogaha saameynta/khatarta badan kooxda argagixisada shabaabka, waxaana magaciisa lagu dhisay ‘Jeysh Ayman’ oo ah Maleeshiyaad isku dhaf ah oo Kenya iyo Soomaali isugu jiraan kana howlgali jiray degaanada Lamu, Gaarisa, Wajer iyo Mandheraee dalka Kenya (NFD) iyo Gobolada Gedo, Jubooyinka, isagoo ku guuleystay inuu dhul balaaran Maamulo kana qaadaan weeraro culus oo qasaare badan dhaliyay.

Dowladaha Kenya iyo USA ayaa liiska dadka ay ku raad joogaan ku dareen Macalin Ayman, waxaana madaxiisa la saaray malaayiin Dollar oo dhowr jeer la kordhiyay, lana gaarsiiyay 10-millions US$, balse ugu dambeyntii waxaa lagu dilay Duqeyn ay fulisay Diyaarad Drone ah, Horjoogahaan la aaminsan yahay inuu dhashay 1973, Tababarka Kooxda uu hogaamin jiray ayaa la sheegay iney maraan hanaan adag marka la xulayo, Tababarkoodana uu qaato 6-12 bilood oo ay ku jiraan iney lugeeyaan Masaafo kor u dhaafeysa Boqolal KM.

Ilaha amaan ayaa sheegay in Horjoogayaashii Kooxdaan soo hogaamisay ayaa lagu kala magacaabi jiray Amir Ramzi, Habib Karongo, Axmed Iimaan Cali, iyo Macallin Ayman, Fariisinkoodu ugu weyn uy ku yaali jiray Keymaha Boni ee Degaanka Lamu, wararka ayaa sheegay in dilka Horgale muhiimadaasi lahaa geeridiisa wakhti badan ayey ku qaadayansaa Horjoogayaasha Shabaabka iney kaga soo kabsadaan, Qaab dhismeedka Maleeahiyaadka kooxda ka howlgala xuduuda Kenya & Somalia ayaa hadda kala daadsanaan ku iimaneysa, iyadoo la daciifiyey awoodoodii iyo jahadii ay u socdeen kooxdaan oo khilaaf xoogan dhexdeeda muddo uu ka jiro xaalna loo waayay.

295150cookie-checkMuxuu Dilka Horjooge Eyman uga Dhigan yahay Dowladaha Kenya & Somalia…