Ma Dhabaa in Gudoomiyihii Jaaliyada Galmudug Laga Soo Masaafuriyay Dalka Zambia Hantidiisiina la Dhacay…

Africa News Somalia news

Warbixin wel wel xambaarasn ayaa daaha ka rogeysa in Gudoomiyaha Jaaliyadda GalMudug ee Dalka Zambia ayaa laga soo musaafiriyay magaalada Lusaka kadib markii shirqool dhaqaale (lacag) ku bixiyeen Jaaliyadda Puntland ee Zambia oo laaluushtay Boliiska magaalada Lusaka si ay dalka uga saaraan…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegay in Gudoomiye Guutaale Axmed Cabdalla oo mudo dheer daganaa Zambia isla markaasna ku lahaa Hanti ma guurto ah sida Guri, Beer iyo sharci daganaansho, ayaa la shirqoolay, Ficilkaan Naceybka ku saleysan ma aha markii ugu horeysay ee Jaaliyadda Puntland iyo Danjiraha Somalia ee Dalkaasi ay laaluushaan Saraakisha Amaanka Zambia si ay wadanka uga saaraan ganacsato ay ka welweleen tartankooda ganacsi.

Jaaliyadda GalMudug ayaa cabasho u gudbisay Dowladda Federalka Somaliya si ay wax uga qabato Safaarada Soomalida ee Zambia dhacdooyinkaan soo noqnoqday ee Jaaliyadda Puntland ay u adeegsaneyso Boliiska Zambia si ay ugu aar goosato Ganacsatada kale ee tartanka kula jira.

“Shalay anigoo jooga goobteyda shaqada ayaa waxaa ii yimid ciidanka socdaalka ee dalka Zambia, si degdeg ah oo aan xushmad laheyn ayay ii qabteen, Wax dhibaato ah iima geysan laakiin way i qabteen ilaa iyo xalay oo dhana way iska key daba wareejinayeen, gurigeygii way baarteen, Hadal badan kadib waxaan hadda ka sii ambabaxayaa garoonka Addis Ababa” ayuu yiri Guutaale.

278530cookie-checkMa Dhabaa in Gudoomiyihii Jaaliyada Galmudug Laga Soo Masaafuriyay Dalka Zambia Hantidiisiina la Dhacay…