Ma Dhabaa In Dhowr-Kooxood ay Khatar ku Yihiin Doorashada Degaanada Puntland

Somalia news

Iyadoo lagu wado in 24-ka Bishaan ay Degaanada Maamulka Puntland la qorsheynaayo iney ka qabsoomto Doorashada Golaha Degaanka, ayaa waxaa laga digayaa in Dhowr kooxood oo dantu isku kerntay ay khatar ku noqon karaan qabsoomida Doorashadaan…

Wararka hordhaca ah degaanadaasi laga helaayo ayaa sheegayaa Dhowrka kooxood ay cabaqad ku noqon karaan Qabsoomida Doorashada waxayna kala yihiin:-

-Shaqsiyada & Isku koobida Go’aanada Doorashada ee Madaxweynaha Puntland Oo dhinac kasta colaad u qaaday, diidayna inuu Tanaasul iyo Nabadeyn la gaaro Qeybaha Mucaaradsan Maamulkiisa.
-Kooxda Aaran jaan oo u arka in Dani uu ku dan gaaray, si hoosena u wada Abaabul xoogan, iyadoo ku dadaalaya iney dhinacyada Deni mucaaradsan iney mideeyaan.

-Laamaha Amaanka laga cabsi qabo iney la saftaan Maamulka Dani taasoo soo dedejin karta in dib u dhac u ku yimaado hirgelinta Doorashada.

-Adeegsiga Barakacayaasha oo la sheegaayo in Kaarar ay u qeybiyeen Maamulka Deni si ay u boobaan Doorashada Degaanka gaar ahaan Degmooyinka Boosaaso, Waqooyiga Gaalkacyo.

-Kooxaha Argagixisada Shabaabka iyo Daacish oo ka faa’idaysan karaan isku soo baxyada Dadweynaha.

-Dagaalka Degmada Laas canood

Doorashada Golayaasha Degaanka iney ka hirgasho waxay muhiim u tahay Bulshada Puntland sababtoo ah, waxay meesha ka saaraysaa hubanti la’aanta khilaafka dhinacyada isku haya taasoo horseedi karta inuu burbur ku yimaado Nidaamka Qabaliga ee muddada dheer soo dhisanaa.

255860cookie-checkMa Dhabaa In Dhowr-Kooxood ay Khatar ku Yihiin Doorashada Degaanada Puntland