Dhalinyaradii Loo Qaaday Eritrea Oo Dadaalo Gaabis Dib Loogu Soo Celinaayo ay Socdaan

Somalia news

Warbixin hordhac ayaa muujineysa in Dowladda Federaalka ay dadaalo badan ku bixineyso sidii ay u soo celin laheyd Dhalinyaradii loogu qaaday Tababarka Dalka Eritrea muddo 2-3 todobaad gudahood inkastoo marar badan dib u dhacyo ay ku yimaadeen…

Qorshihii ugu horeryay ayaa ahaa in dib loo soo celiyo Bishii Septembar sanadkii hore, iyadoo dib loogu dhigay sababo la xiriira kor u qaadista dhinaca Diblomaasiyada, waxaana laga yabaa iney sii socoto inta heshiis laga gaarayo, maadama Dalal dhowr ah ay saameyn ku leeyihiin soo celintooda & kharashaadka ky baxaaya Deynta iyo Safaka.

Xogta ayaa xaqiijisay in tirada Dhalinyaradaan xiligaan ku sugan dalka Eritrea oo dhan 5164 xubnood, iyadoo laga dalka dhoofiyay intii u dhaxeysay August 2019 ilaa June 2020, Tababarkaan ayaa ka dambeeyay heshiis ay wada gaareen Farmaajo & Afewerki, Warbaahinta gudaha & dibeda ayaa daabacay in Dhalinyaradaan ay ka qeyb qaateen dagaalada sokeeye ee Waqooyiga Ethiopia (Tigray region), inkastoo uu Maamulka Farmaajo uu beeniyay, Sheegashada Warkaan ayaa loo heynin caddeymo muujinaaya ka qeyb qaadashada Dagaalka ee Soomaalida ilaa hadda.

169480cookie-checkDhalinyaradii Loo Qaaday Eritrea Oo Dadaalo Gaabis Dib Loogu Soo Celinaayo ay Socdaan