Wasiirka Amniga Jubbaland & Ciidamo uu wato Oo Gaaray Ceelwaaq

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan kuwa Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa gaaray magaalada Ceel waaq oo lagu wado in lagu qabto doorashada 16-ka kursi…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegay in Ciidamadan uu hogaaminaayay Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Daraawiishta, waxaana uga sii horeeyay Ciidamo ka tirsan kuwa Atmis gaar ahaan Sektar-2 (Kenya), kuwaasoo loo xil saaray iney xoojiyaan goobaha Amaanka Goobta doorashada & guud ahaan degmada.

Degmada ayaa lagu wadaa in lagu qabto Doorashada 16-ka kursi waxaana degaanka ku sugan Ergada, Musharixiinta & Odayaasha Dhaqanka si loo soo dhameystiro Xulashada dadban, waxaana lagu wadaa in dhamaadka bishaan la wada qabto dhamaan kuraastaasi xulshadooda.

184190cookie-checkWasiirka Amniga Jubbaland & Ciidamo uu wato Oo Gaaray Ceelwaaq
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com