Farmaajo Oo Ergo u Dirsaday Xarunta Xalane

Somalia news

Kadib markii hanjabaado culus ay ka yimaadeen Dhanka Wakiilada Beesha Caalamka ayaa la sheegay in Koox Wasiiro oo ay wehliyaan La Taliyeyaal ergo ka ah Madaxweyne muddo xileedkiisu dhamaaday ayaa kulan kula leh Xerada Xalane qaar ka mid ah wakiilada Beesha Caalamka….

Wasiirada iyo la taliyeyaasha ayaa loo kala diray dhowr Safiir oo kulamo la yeelanayaan, si ay xaalada u dejiyaan, sidoo kale suuq geyn ugu sameeyaan in Madaxweynaha aanu shaqo ku laheyn muddo kordhinta, iyagoo ku andacoonaya in go’aanka Baarlamaanka gaaray u yahay mid awoodda shacabka loogu dhoweynayo.

Beesha Caalamka sida Midowga Yurub, UK iyo Mareykanka ayaa xalay ku hanjabay inay ka fiirsanayaan xiriirka Soomaaliya iyo caawimaada ay siiyaan dowladda Federaalka, sidoo kale ugu goodiyay cunaqabateyn, xayiraado safar iyo tallaabooyin kale.

Dhanka kale Waxaa eedeymo culus loo jeediynayaa Ergeyga AU-da Madeira, Madaxda Howlgalada Mr.Fred Ngogo, iyagoo Warar marin habaabin ah ay u direen Xarunta AU-da ee Magaalada Addis Abeba, iyagoo sheegay in Heshiis lagu yahay Muddo Kordhinta, Labadaan Shaqsi ayaa Dhaqaale laga siyaa Xafiisyada NISA.

110840cookie-checkFarmaajo Oo Ergo u Dirsaday Xarunta Xalane