Ciidamo Gadoodsan Oo La Wareegay Xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan

Somalia news

Wararka hordhaca ah ee naga soo gaaraya Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa caawa waxaa ka jira xaalad kacsanaan ah iyadoo banaanbaxyo loogaga soo horjeeda maamulka Hirshabelle uu ka bilowday wadooyinka Bariga magaalada…

Wararka ayaa sheegay in Dadweyne tiro badan ay isugu soo baxay kuwaasoo taageeraya gadood ay sameeyeen qaar ka mid ah ciidamada dowlada oo la wareegay xarunta maamulka gobolka Hiiraan iyo agagaarka Xaruntaasi.

Dadka banaanbaxaya ayaa waxa ay ku dhawaaqayaan ereyo ay ugaga soo horjeedaan maamulka Hirshabelle gaar ahaan Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen.

Ciidamada gadoodsan ee la wareegay xarunta maamulka gobolka ayaa weli halkaasi ku sugan iyagoo fariisimo ka sameystay gudaha iyo agagaarka xarunta maamulka gobolka Hiiraan.

136820cookie-checkCiidamo Gadoodsan Oo La Wareegay Xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan