Mooshin Laga Keenay Gudoomiyaha Hirshabelle

Somalia news

Waxaa soo shaac baxaaya Khaliif loo maaro waayay xalintiisa una dhaxeeya Gudoonka Golaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hir-Shabelle, kadib markii Gudoomiye kuxieenka Baarlamaanka Mrs.Canab Axmed Ciise ay shaacisay iney qabtay Mooshin dhan ka ah Gudoomiyaha….

Khilaafkaan ayaa soo shaac baxay kadib markii ay Kulan ay yeesheen Gudoomiye Kuxigeenka iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha degaanka Hir-Shabeelle, isla markaasna la isla meel dhigay in Kulan ay isugu yimaadaan Xildhibaanada Baarlamaanka 19-bishaan Agoosto, oo ku beegan maalinta Arbacada soo socota.

Fariimo kale oo uu diray Gudoomiyaha Baarlamaanka ayuu ku faray ineysan soo xaadirin Kulanka lagu baaqay, isla markaasna dib loo dhigay Kulankaasi oo ay ka sugaan ilaa amar dambe Gudoomiyaha, Gudoomiye Kuxigeenka ayaa ku adkeysatay in si deg deg ah ay Xildhibaanada iskaga soo xaadiyiraan Magaalada Jowhar.

Muddo xileedka Golaha Degaanka iyo kan Maamulka Hir-Shabelle ayaa ku eg Bisha Oktoobar sanadkaan, ilaa haddana ma muuqto qabsnqaabo loogu diyaar garoobaayo doorshada oo ka socota Xarunta Dowlad Goboleedka Hir-Shabelle.

54480cookie-checkMooshin Laga Keenay Gudoomiyaha Hirshabelle