Villa Somalia Oo Hortaagan Kulamada Senatarada

Somalia news

Iyadoo in muddo ah aysan wax kulan aan yeelanin Senatorada Golaha Aqalka Sare Ee Somalia, ayaa lagu eedeeyay iney Kulan La’aanta asi ay ka dambeeyaan Madaxtooyada Villa Somalia iyo Hogaanka NISA, kuwaasoo ka sheegay iney Hortaagan yihiin qabsoomida Kulamada…

Ilo wareedkaan ayaa Diinah.com news u xaqiijiyay in Mr.Farmaajo uu ku amray Madaxa NISA ineysan u oggolaan in xarunta Senate-ka lagu qabto kulamadii caadiga ahaa, iyagoo ku eedeeyay Hogaanka Senatarada ineysan la dhacsaneyn maareynta Madaxtooyada ee Siyaasada Somalia Guud ahaan.

Senetor Axmed Maxamed Nadiir oo deegaan doorashadiisu Jubbaland tahay waxa uu Gudoonka ku eedeeyey in howsha dhankooda ka socon la’dahay, Senetor Nadiir ayaa beeniyey in Villa Soomaaliya ku lug leedahay baaqashada kulamada Aqalka sare yeelan lahaayeen.

51070cookie-checkVilla Somalia Oo Hortaagan Kulamada Senatarada