Maamul iyo Hogaan Xumo Baahsan Oo Laga Soo Sheegaayo Gobolka Benaadir & Sababta…

Somalia news

Maamulo & Hogaano xumo baahsan ayaa laga soo sheegayaa Xarunta Maamulka Gobalka Benaadir, iyadoo Shirkadii bixin jirtay Adeega Internet-ka ay ka jarteen sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo kala duwan oo ka tirsan maamulka, kadib markii ka gaabiyeen Hogaankii Maaliyada bixinta lacagta kirada Internetka…

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Waaxda Farsamada ee Gobolka Banaadir ayaa arrintaan ku sheegeen cillad farsamo, balse waxay wararku sheegayaan in aan la bixin oo lacag lagu yeeshay Gobolka Banaadir oo adeegaas loogu qabtay, Ma muuqato lacag la’aan Gobolka ka jirta laakiin waxay u egtahay maamul xumo iyo in aan mudnaan la siinin waxyaabaha muhiimka u ah shaqada dowladda Hoose.

Wararka ayaa sheegay ugu yaraan 60 maalmood Xarunta Gobolka malahan wax adeeg Internet ah, wuxuuna saameeyay Xafiisyo uu ka mid yahay kan Guddoomiyaha Gobolka, ku xigeenada iyo qeybaha kale ee muhiimka ah, marka laga reebo qeybaha Canshuuraha iyo Warbaahinta oo soo gashaday mid KMG ah oo gaar u ah.

Sidoo kale, Degmada Howlwadaag ayaa muddo Todobaad ah ka maqan tahay Koronto la’aan kadib markii ay iska bixin waayeen lacagta Korontada oo ku aruurtay, iyadoo sidoo kale Roob da’ay xalay ay biyo dhigeen inta Degmooyinka Gobolka Benadir.

283020cookie-checkMaamul iyo Hogaan Xumo Baahsan Oo Laga Soo Sheegaayo Gobolka Benaadir & Sababta…