Mr.Guterres Oo Si Adag U Cambaareeyay Xil Ka Qadistii Mr.Kheyre

Somalia news

Markii ugu horeysay ayaa Xoghayaha Guud ee Qaramada midoobay Mr.Antonio Guterres uu si adag u cambaareeyay habka loo maray xil ka qaadistii Wasiirkii 1-aad Ee Dowladii Federaalka Mr.Xasan Cali Kheyre oo 25-kii bishii tagtay Xilka laga qaaday…

Mr.Guterres oo ka hadlaayay Kulanka Golaha Amaanka ee UN-ka ayaa sheegay in Xil ka qaadistaasi ay salka ku haysay sidii loo carqaladeyn lahaa Kulanka Dowlada Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada uga socday Magaalada Dhuusa mareeb-2, wuxuuna intaasi raaciyay in go’aankaasi uu saameyn ku yeelan doono dhaqaalaha, deyn cafinta Dalka iyo Maalgashiga.

“Waxaana aad uga welwel qabaa in Xil ka qaadistaasi ay caqabad ku noqon doonto hirgelinta Heshiisyada Maamulada Gobolada Iyo Dowlada Federaalka, iyo sidoo kale dagaalka kooxaha argagixisada, Amaanka, Siyaasada iyo dib u habeynta dhaqaalaha.

56390cookie-checkMr.Guterres Oo Si Adag U Cambaareeyay Xil Ka Qadistii Mr.Kheyre