Kaalinta Qaadka Ethiopia, Difaaca Fahad iyo Oo Qeyb Ka Khilaafka

Somalia news

Heshiiska Qaadka ee Qoyska Farmaajo laga soo dhoofiyo Dalka Ethiopia iyo Difaaca Eedeysanayaasha Adeege Fahad Yasin, Cabdullahi Kulane (Jiis-Mareexaan) iyo kalsooni darro ku biirsay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday uu ku doonaayay inuu isbaaro ugu dhigay ilo Safarka Rooble Ee Kenya..

Rooble oo xilka la wareegay Oktober kal hore (2020), ayaa mudada uu xilka hayay wuxuu dadaal ugu jiray sidii uu Dalka uga qaban lahaa Doorasho dadban oo si Cadaalad ah ku dhacda, inkastoo tii dhacday Konfur galbeed iyo Sida uu u maareeyay Guddiyada Doorashada Waqooyiga ay muran yihiin in la dhaliilo.

Tafaasiil Warsidaha Diinah.com news helay ayaa muujinayaa in Xayiraada Qaadka Kenya Uu Farmaajo ku soo rogay uga Dan lahaa sidii uu ugu gogol xaari lahaa Heshiiska Walaalkiis Xasan Farmaajo ula saxiixday Ganacsatada Qaadka Oromada, iyadoo la siiyay Xuquuq gaar ah uu Qaadka Magaalada Mogadishu uga soo dejiyo waxaana lagu daray Shirkadda Moryaanka Cali Yare Cali.

Macaashka Qaadka Oromada:-

Ilo Wareedyo ayaa sheegay in Xasan Farmaajo iyo Saaxibadiisa oo gacanta ku haya Soo dejinta Qaadka Ethiopia ay maalintii ka macaashaan 35-kun US$, iyadoo bishii Maarso 2020 ilaa hadda Maalin kasta la soo dejiyo Qaadka Oromada Ethiopia, mana oggola Farmaajo in dhaqaalahaasi laga joojiyo Walaalkiis.

Iyadoo Mamnuucida Qaadka raad ku reebtay qoysas badan oo ku tiirsanaa nolol maalmeedkooda, hadana Farmaajo wuxuu Dowladda ku qasbay in la oggolaado Qaadka Ethiopia si Walaalkiis uu uga macaasho, isagoo xiligaan ku mashquulsan sidii dib loogu dooran lahaa mar kale 4-sano Ee soo aadan.

133980cookie-checkKaalinta Qaadka Ethiopia, Difaaca Fahad iyo Oo Qeyb Ka Khilaafka