Weerar xoogan oo Qarax ku Bilaawday oo ka dhacay Degaanka Ruunnirgood ee Gobolka Sh/Dhexe

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ku bilaawday qarax xoogan oo uu xigay dagaal fool ka fool ah oo saakay aroornimadii hore ka dhacay Degaanka Ruunnirgood ee gobolka Shabeelada Dhexe, kaasoo ka dhashay khasaare…

Qaraxa iyo weerarka is xigay ayaa Maleeshiyaadka ka tirsan argagixisada Shabaab waxay ku beegsadeen Saldhig Ciidamada Dowladdu iyo kuwa dadka degaanka ku lahayeen Degaanka Ruunnirgood, waxaana la tilmaamay in dagaalka halkaasi ku dhexmaray labada dhinac uu ahaa mid aad u xoogan oo qaatay ku dhawaad hal saac oo xiriir ah.

Wararkaan ayaa yimid kadib markii uu khilaaf soo kala dhex galay Ciidamadii lagu soo tababaray, kuwa Degaanka iyo Urur ka tirsan Gorgor, talaabadaan ayaa horseeday in Ciidamada Eritrea lagu soo tababaray ka soo baxaan Aagagii ay Difaaca uga jireen, waxaana lagu wadaa inuu Degaanka gaaro Madaxweynaha Somalia, kadib markii ay amarada ka diideen Taliyaha Ciidamada Lugta iyo Cabdirisaaq Eritrea.

247570cookie-checkWeerar xoogan oo Qarax ku Bilaawday oo ka dhacay Degaanka Ruunnirgood ee Gobolka Sh/Dhexe