Muqalaskii ugu Raadinta badnaa ee Boliiska Caalamka Oo Gacanta lagu dhigay

Africa News

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Iskaashi iyo Talaabooyin ay si wadajir ah u qaadeen Boliiska UAE & kuwa Suudaan ayaa suurto geliyay in gacanta lagu dhigo muqalas muddo dheer lagu raad joogay kaasoo u dhashay Dalka Eritrea sida ay Sheegeen Boliiska Caalamiga ah…

Eedeysane Kidane Zekarias Habtemariam oo u dhashay Dalka Eritrea kuna caan baxay inuu si xun ula dhaqmo Dadka soo galootiga ah, wuxuuna madax ka ahaa Urur Dembilayaal ah kuwaasoo ku caan baxay Afduubka, Baada iyo Dilka muhaajiriinta Qaarada Africa ka tageysa, wuxuuna shaqsiga loogu raadinta badan yahay.

Hey’adda Interpol ee fadhigeedu yahay Magaalada Paris ayaa laba jeer ogeysiis cas u dirtay Boliiska Ethiopia iyo Netherland si loo xiro, iyadoo raadinta iyo qabashada Eedeysanahaan ay qaadatay muddo 9-bilood ah, waxaana la sheegay in Boliiska Dalka Ethiopia ay xireen balse Xabsiga ayuu ka baxsaday sanadkii 2020-kii, hal sano kadib ayaa Xabsi daa’iim lagu xukumay.

235950cookie-checkMuqalaskii ugu Raadinta badnaa ee Boliiska Caalamka Oo Gacanta lagu dhigay
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com