Kenya Oo Oggolaatay Iney Kala galaan wada Xaajood Mareykanka Duuqeymo Lagu qaado Gudaha Dalkooda

Africa News

Muddo dheer ayeey Saraakiisha Qeybaha Arrimaha Dibeda iyo Gaashandhigga Dowladaha wadeen Wada hoose oo lagu doonaayo in la isla meel dhigo sidii Ciidamada Mareykanka loogu oggolaan lahaa iney weeraro qorsheysan iyo duqeymo ka fuliyaan gudaha Dalka Kenya…

Madaxda Dowladda Mareykanka ayaa aad u daneynaayo in xoojiyo xiriirka iskaashi iyo joogitaanka Ciidamada Mareykanka ee qeybo ka mid ah Gobolada Kenya, inkastoo Dowlada Kenya ay in muddo ah dhega adeygeysay in oggolaato in Gudaha dalkeeda duulaan iyo duqeyn ka fuliyaan gaar ahaan goobaha lagu tuhmaayo Maleeshiyaadka kooxda argagaxisada Shababka iyo taageerayaashooda.

Wararka ayaa sheegay in kadib markii ay ku fashilmeen Saraakiisha Ciidamada iney xakameeyaan weerarada kooxada argagixisada gaar ahaan degaanada Waqooyi bari iyo Gobolka Lamu oo ay ku yaalaan farsiimo Ciidamada Mareykanka, ayaa la sheegay in soo jeedintii mudada dheer dib loo dhigaayay weerarada lagu qaado gudaha Kenya ayaa hadda miiska wada hadalka lagu soo celiyay.

192000cookie-checkKenya Oo Oggolaatay Iney Kala galaan wada Xaajood Mareykanka Duuqeymo Lagu qaado Gudaha Dalkooda