Maxaa Keenay Kala Hadalka Dowladda Federaalka & Kooxda Shababka Wada Hadalada Nabadeed

Somalia news

Jahwareer iyo Shaki ayaa hareeyay Dhawaaq ka soo yeeray Wasiir kuxigeenka Wasaarada Gaashandhigga ee Dowladda Federaalka, kaasoo sheegay in Kooxda Shababka ay dalbadeen Wada hadal Nabadeed, Halka Dagaalamayaasha Shababka ay ganafka ku dhufteen sheegashadaasi…

Dhawaaqaan ayaa soo baxay kadib markii Mr.Cabdulfataax Kaasim Maxamuud Wasiir kuxigeenka Gaashandhigga Dowladda Federaalka ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka uu sheegay in Kooxda Argagixisada ay dalbatay Wada hadalo Nabadeed oo ay la gasho Dowladda Federaalka.

Hase yeeshee sarkaal sare oo ka tirsan Maamulka Xasan Gurguurte ayaa si rasmi ah u beeniyay inuu codsi uga yimid kooxda Shababka, wuxuuna intaasi raaciyay in Mowqifka Dowladda Federaalka uusan waxba iska bedelin, “lama xaajoono iyagoo kooxo kooxo ah” si kastaba ha ahaatee shaqsiyaadka doonaya iney ka baxaan Kooxda waxaa loo mari doonaa Nidaam dhameystiran oo ay ku goystaan xaqa ay ku geli karaan Cafiska Dowladda.

Dhanka kale Kooxda Shababka ayaa ganafka ku dhuftay iney xiligaan Wada hadalo la galayaan Dowladda Federaalka, waxeyna sheegeen in Hadalka Wasiir kuxigeenka uu yahay mid aan sal iyo raad toona laheyn, Hadaladaan is burinaaya ayaa lagu fasiray kuwo la doonaayo in kagu marin habaabiyo Shacbiga Soomaaliyeed oo aad u dhibsaday Dagaalada dhiiga badan ku daadanaaya.

235990cookie-checkMaxaa Keenay Kala Hadalka Dowladda Federaalka & Kooxda Shababka Wada Hadalada Nabadeed