Dowladda Federaalka Oo Loogu Baaqay iney Difaacdo Xuquuqda& Xoriyada Muwaadiniinta Gobolk Sool

Somalia news

Ra’iisul Wasaarayaal hore, Guddoomiyayaal Barlamaan oo hore, Wasiiro hore, Siyaasiyiin iyo Aqoonyahanno Soomaaliyeed, ayaa Dowladda Federalka ugu baaqay in ay caddeyso mowqifkeeda ku saabsan qaddiyada shacabka SSC…

Bayaan ay soo saareen ayay ku sheegeen in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay mabda’ ahaan u difaacdo xorriyadaha iyo xuquuqaha muwaadiniinta aaminsan una taagan midnimada iyo qarannimada Soomaaliya.

Waxay nasiib darro ku tilmaameen in fursado badan horay loo lumiyey 30kii sano ee la soo dhaafay oo ay ahayd in xal waara oo degdeg ah laga gaaro gooni-isutaagga Somaliland, iyadoo loo marayo dib-u-heshiisiin in la sameeyo oo dib loo mideeyo dalka.

Waxay sheegeen Shacabka kasoo jeeda Gobolada Sool, Sanaag iyo Degmada Buuhoodle in aanay xaq u lahayn in lagu caburiyo ama lagu colaadiyo aragtidooda iyo dareenkooda ku aaddan qaddiyadda Soomaalinimo.

240450cookie-checkDowladda Federaalka Oo Loogu Baaqay iney Difaacdo Xuquuqda& Xoriyada Muwaadiniinta Gobolk Sool