Dowladda Kenya Oo Walaac Ka Muujisay Koboca Dadka Tirada Soomaalida Kenya

Somalia news

Warbixino hordhac oo uu soo saaray Xafiiska Tirakoobka Kenya ayaa lagu xusay in tirada guud ee Soomaalida Kenya ay sare u kac ku imaan doonto , iyadoo tirada guud xiligasn lagu sheegay 3-Millions oo Qof, marka la gaaro xiliga Dalkaasi laga qabanqaabin doono tirakoob guud Sanadka 2029…

Warbixinta ayaa lagu xusay hadii la joogteeyo kobaca Tirada Soomaalida Kenya uu noqon doono 16.5%, Xogta laga helay Xafiiska Turakoobka Kenya (KNBS), ayaa lagu xusay in tirakoobka Soomaalida Kenya oo aheyd Sanadkii 2009-kii 2,385,572 qof oo Soomaali Kenya ah, waxaana la sheegay in Sanadkii 2019-kii ay tiradaasi kor uga kacday 384,939-Qof.

Waxaana lagu wadaa in Magaalooyinka Kisiisi, Mijikenda, Meru iyo Maasais ka kir marki doonaan, waxeyna Warbixintooda ku xuseen in qalalsaha ka taagan Somalia oo deris la ah Gobolka Waqooyi-Bari Kenya ay kordhiyeen tirada guud Soomaalida Kenya, iyadoo sidoo kale Magaalada Mandheera ay noqotay Magaalada ugu badan ay Caruurta Soda Kenya ku dhashaan, waxaana ku xiga Turkana, Marsabit iyo Wajeer.

202120cookie-checkDowladda Kenya Oo Walaac Ka Muujisay Koboca Dadka Tirada Soomaalida Kenya