Musharixiinta Xildhibaan Doonka ah Oo Eedeyn u jeediyay Hirshabelle

Somalia news

Kadib markii Xoogag hubeysan ay soo galeen magaalada Beledweyne kuwaasoo ka careysan qaabka ay xulashada u wadaan Madaxweynaha & Kuxigeenkiis ee Maamulka Hirshabelle, ayeey kulan ugu baaqeen Musharxiinta cabashada ka ah hanaanka Doorashada..

Wararka ayaa sheegay in Musharixiinta ay Guudlaawe iyo Dabageed u sheegeen in sababta cabashada keentay ay tahay in kuraasta intooda badan loo xiray shakhsiyaad uu hoggaanka sare ee DG Hir-Shabeelle la rabo xubinnimada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad.

Cali Guudlaawe Xuseen iyo Yuusuf Axmed Dabageed ayaa iska fogeeyay in kuraasta qaar ee cabashada laga keenay ay u xireen dad ay la rabaan maadaama Madaxweyne ku xigeenka Hir-Shabeelle uu horay u sheegay in Shakhsiyaad ay usoo saarayaan kuraasta taallla Baladweyne, waxaana musharixiinta loo sheegay in tartan furan lagu wajahayo Doorashada isla markaana aanay jirin cid ama koox loo xiray kuraasta maalmaha soo socda Baladweyne lagu dooranayo.

Hir-Shabeelle ayaa soosaaray tiro Xildhibaanno lasii ogaa in ay soo baxayaan kuwaas oo si toos ah ugu xiran Villa Somalia waxaana Dadkaas kamid ah Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo soo qaatay HOP#086 Weliba Guddiga FEIT oo hakiyay Doorashada kursigaan.

173250cookie-checkMusharixiinta Xildhibaan Doonka ah Oo Eedeyn u jeediyay Hirshabelle