Maamulka Hargeysa Oo u Dhaqaaqay Go’doominta Shacbiga Laas caanood

Somalia news

Maamulka Muuse Biixi ee Hargeysa ayaa u muuqda inuu qaadayo talaabooyinkii ugu horeeyay oo dhanka ka ah Kacdoonka Shacbiga ee Laac caanood, iyadoo Qoraalkii ugu horeeyay ee digniino ah ka soo baxday Wasaarada Warfaafinta ayaa lagu xusay..

Qoraalka ayaa lagu xusay in “inuu Waajib Muwaadinimo ka saaran tahay ilaalinta Midnimada Qaranka iyo ilaalinta Diinta Islaamka”, lamana oggola ficilo ka baxsan, iyadoo la faray Warbaahinta Degaanadaasi iney faafiyaan dhaxdooyinka ka baxa Degaanada Gobolka Sool iyo Degmada Buuhoodle.

Maamulka Muuse Biixi ee Hargeysa oo ku caan baxay Xariga sharci darrada ah iyo caburinta Saxaafada, ayaa la sheegay in Warbaahinta Degaanadaasi si iskood ah uga gaabsadeen iney ka hadlista dhaqdhaqaaqyada ka socda Gobolka Sool.

Wararka ayaa sheegay in jiri karaan talaabooyin kale oo ay ka mid tahay adeegsiga Xoog Ciidan iyo in Bandow lagu soo rogo magaalada Laas caanood, inkastoo Khilaafyo uu ka dhex jiro Maamulka Hargeysa sida loo wajahaayo Xiisadahaan, iyadoo Maamulja Muuse Biixi iyo Xisbiyada Mucaaradka ay kala boodsan yihiin.

240070cookie-checkMaamulka Hargeysa Oo u Dhaqaaqay Go’doominta Shacbiga Laas caanood