Maxkamada Puntland Oo Warqad Qabasho ka soo Saartay Dagaalka Ka Dhacay Dukeedka Garoowe..

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Wareysi uu bixiyay Xeer ilaaliyaha guud Maamulka Puntland Axmed Yuusuf, ayuu ku sheegay in codsi qoraal qabasho uu u diray Maxkamada Puntland si loo soo qabto 4-Xubnood oo uu ku jiro Ergyga Dhaqaalaha Madaxweynaha Somalia iyo Siyaasiyiin kale…

Wararka ayaa sheegay in Xeer ilaaliyaha ayaa ku eedeeyay Ergeyga Madaxweynaha Somalia, Khadar Faroole, Wasiiradii hore Puntland Maxamuud Shiddo, Xasan Shire Abgaal iyo Maxamed Jaamac Faarax, iney yihiin Maskaxdii ka dambeeysay Wararkii habeen hore lagu qaaday Gadiid siday Sanaadiiqda Doorashada oo u waday Gobolada Bari & Sanaag Bari.

https://fb.watch/kAkSViZQCj/?mibextid=2Rb1fB

Lama oga talaabada xigta ee ay qaadi doonaan Xubnahaan oo si aad ah u hubeysan kuna sugan Magaalada Garoowe, iyadoo go’aankan uu uga sii darayo xiisadii kacsaneyd ee mudooyinkan ka jirtay magaalada Garoowe, taasoo salka ku heyso doorashada golayaasha deegaanka ee qabsoomeysa 25-ka bishan.

256320cookie-checkMaxkamada Puntland Oo Warqad Qabasho ka soo Saartay Dagaalka Ka Dhacay Dukeedka Garoowe..