Ma Dhabaa in Somalia ay horumar ka gaartay Hananka/Adeega Xawaaladaha iyo Mobile-bay..

Somalia news

Horaantii 90-kii ayeey aheyd markii dagaalada sokeeye Dalka ka qarxeen oo Nidaamkii Dowladadeed, Maaliyadeed iyo Bangiyada ee dhisnaa uu burbur ku yimid, kadib kacdoonkii hubeysnaa, iyadoo Shacbigu u baahday Nidaam lacagaha la isugu gudbiyo si Qoyasaka Soomaaliyeed iyo Ehelkooda Dibeda ku Nool u wada xiriiraan, waxaana xiligaasi soo shaac baxay Nidaamka Xawaaladaha…

Iyadoo Xawaaladaha ka abuurmay Somalia ay noqdeen kuwa ugu horumarsan Caalamka, waxaana lagu tilmaamaa in qurba-joog aad u badan ay sanad kasta soo diraan balaayiin US$ iyo baahidii jirtay xiligaasi ay dabooleen, inkastoo Dowlada Mareykanka oo ku baraarugtay xadiga iyo qulqulka maaliyada ee ku sii socota Dal burburay oo aan Nidaam maaliyadeed laheyn iyo Shirkadii Barakaat ay ku eedeeyeen iney xiriir la leedahay kooxaha Argagixisada.

Xiliyadaan dambe ayaa Xawaaladihii la dib loo casriyeeyay, talabadaan ayaa horseeday iney soo shaac baxaan Adeegyada Mobilada ee EVC ayna buuxiyeen kaalintii Xawaaladaha oo muddo 3-5 maalmood lagu qaadan jiray haatan la sahlay oo daqiiqado gudahood lagu kala qaato Lacagaha dibada laga soo diro.

Xogtii ugu dambeysay ee Bangiga Adduunka ee 2017 ayaa tilmaameysa in 73% dadka da’doodu ka weyn tahay 16 sano ay isticmaalaan adeegyada lacagta mobilada — taasoo Dalka Somalia ka dhigaysa mid ka mid ah suuqyada ugu dhaq-dhaqaaqa badan Afrika iyo Adduunka oo dhan, in ka badan saddex meelood laba meel dhamaan lacagaha Somalia laga bixiyo waxay hadda ku tiirsan yihiin Aaladaha EVC-da mobaylada.

Arrimaha ugu waaweyn ee ka dambeeya hal-abuurnimada dalka ee xawaaladaha ayaa ah jawi shaqo oo adag, nidaamka bangiyada daciifka ah, siyaasad la’aanta dhaqangelin, iyo kalsooni darro qotodheer oo laga qabo Nidaamka Maaliyadeed/Dhaqaale ee Dawladda iyo lacagta gudaha oo muddo dheer aan la doo daabicin sababo la xiriira Nidaamka Federaaleynta oo aan Dalka weli wada gaarin.

Khabiir Soomaaliyeed ayaa sheegay “Waa dhaqanka Bulshadeena, waxaanu nahay khatar-qaata-yaal, Caqabadaha jira awgeed, waxey noqotay in aan sahamino fikrado cusub, Dhibka Dalka ka jira ayaa ah in xog la’aan iyo raad raac uusan jirin – way adagtahay in la helo tiro sax ah inta isticmaasha Mobile-da Laakiin waxaa la dhihi karaa in ka badan 9/10 qof ayaa isticmaala lacagta mobilada ee Somalia.

Runtii, Somalidu waxay leedahay qayb xawaaladaha oo firfircoon oo in ka badan 2-Millions oo Muwaadiniin ah ay ku nool yihiin meel ka baxsan Dalalka Bariga Afrika ay kula xiriiraan Ehelkooda, Barnaamijka horumarinta ee Qaramada Midoobay waxa uu ku qiyaasay in $1.6 bilyan dib loogu celiyo Somalia sanad kasta – ku dhawaad saddex meelood meel wax-soo-saarka dalka oo ahaa $5.42 bilyan sannadkii 2021-kii.

Hey’adda IMF ayaa waxey sheegtay in ku dhawaad 98% lacagta Sh So ee Dalka ee la isticmaalo ay yihiin kuwa been abuur. Kalsooni la’aanta lacagta jireed ayaa ah sabab kale oo muhiim ah oo keentay in lacagta Mobilada ay guulo ka gaarto Somalia, taasoo keentay in dalka uu gabi ahaanba bedelo lacagta shilinka Soomaaliga ah, inkastoo ay ficneyd in Lacagta Mobile-da laga dhigo Shilin Somali.

295080cookie-checkMa Dhabaa in Somalia ay horumar ka gaartay Hananka/Adeega Xawaaladaha iyo Mobile-bay..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com