Maamulka Puntland Oo Lagu Eedeeyay iney ka gaabiyeen Bixinta Gunooyinka Shaqaalaha

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal (Puntland) ayaa sheegaya in Maamulka Saciid Dani ayaa sida la xaqiijinayo gebi ahaanba ku fashilantay bixin mushaarka iyo xuquuqda Shaqaalaha iyo Ciidamada Maamulka, taasoo dhalisay guux laga keeno…

Xogtaan ayaa caddaynaya in Dhaqaalihii khasnadda Dowladda loo isticmaalay Barnaamijka diiwaan-gelinta hubaysan ee doorashooyinka lagu muransan yahay, iyadoo Shaqaalaha iyo ciidamada ay xaqiijiyeen in aysan mudda dheer qaadan wax mushahar iyo xuquuq ah islamarkaana qofkii cabasho gudbiya shaqada laga cayrinayo.

Waxaa xusid mudan in Madaxweyne Deni uu xukuumaddii ka horraysay ee Cabdiweli Gaas ku dhaliili jiray in aysan si joogta ah u bixin xuquuqda Shaqaalaha iyo Ciidamada, ku darsoo Mr.Deni ayaa lagu wadaa inuu Safar ku tago dhawaan magaalada Dubai ee UAE.

243000cookie-checkMaamulka Puntland Oo Lagu Eedeeyay iney ka gaabiyeen Bixinta Gunooyinka Shaqaalaha
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com