Ma Dhabaa in Dowladdu Qoraneyso Macallimiin Cusub Balaarineyso Dugsiyada Waxbarashada

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qorshe ay Dowladda Federaalka ay ku dooneyso iney ku shaqaaleysiiso 3,000 oo Macalimiin ah oo cusub si loo xaliyo baahiyaha Waxbarasho ee Shacabka ay qabaan, iyadoo sidoo kale la go’aamiyay in la balaarinayo Dugsiyada Waxbarashada..

Go’aankaan ayaa ka dambeeyay koror afar laab ah oo lagu sameeyay miisaaniyada Wasaaradda Waxbarashada Sanadkan 2023. Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu balan-qaadey in Ubadka Soomaaliyeed ay heli doono Waxbarasho lacag la’aan ah oo Dowladdu bixiso.

Balse Aqoonyahannada Siyaadda Waxbarashada Maamulka Xasan Gurguurte, ayaa xusay in dhaqaalaha lagu bixiyo waxbarashada oo Firqo tashkiilis lagu abaabin lahaa ay ka wanaagsan tahay in marka hore xooga la saaro Straateejiyad cad oo Amniga wax looga qabto, marka la xasiliyo Magaalooyinka loo soo jeesto Waxbarashada.

inta badan Dhalinyarada Soomaaliyeed marka ay Dugsiyada dhameeyaan shaqo la’aan awgeed ay Tahriib iyo Tashkiilis kooxaha argagixisada ku biiraan, Howlahaan ayaa xiligaan ah kuwa hor tebinta leh, Dhalinyarada loo qorsheeyo Sidii ay shaqooyin loogu abuuri lahaa si Mustaqbalkooda loo hagaajiyo.

235280cookie-checkMa Dhabaa in Dowladdu Qoraneyso Macallimiin Cusub Balaarineyso Dugsiyada Waxbarashada