Share the post "Muxuu Salka Ku Hayaa Xusul-duubka Somalia Ugu jirto ku biiritaanka Dalalka ku bahoobay EAC"
Sida ay baahisay xafiiska Warfaafinta ee Madaxtooyada ”Villa Somalia”, Dalada EAC waxaa la asaasay sanadkii 1967-dii, waxaana ku bahoobay 7-Dal oo wadaaga suuqa ganacsiyeed oo balaaran, kaasoo muhiimadiisu ah kobaca dhaqaale, Maalgashiga, isu-socodka Bulshooyinka, iyadoo lagu qiyaasay dhaqaalaha wadajirka ah inuu gaarayo 300-bilyan US$…
Dowladda Somalia ayaa ku biiritaanka Isbaheysigaan codsi u dirsatay sanadkii 2016-kii, waxaana ilaa wakhtigaasi si gaabis ah u socday dadaalo kala duwan oo ay wadeen Xukuumadihii isaga kala dambeeyay Somalia, inkastoo aan lagu guuleysan.
Madaxtooyada Villa Somalia ayaa soo bandhigtay 4-qodob oo ay u aragto iney Somalia ka faa’iidi doonto hadii si kama dambeys ah loo oggolaado codsigeeda kuwaasoo kala ah:-

