Farmaajo Oo Dhaqaale Bixiyay Joojinta Banaanbaxyada

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga soo sheegayaa dhaqaale uu Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Galabta ku bixiyay joojinta Banaanbaxyada iyo carqaladeynta Abaabulka ay wadaan Hogaamiyayaasha Midowga Musharixiinta kuna baaqeen in 19-ka Bishaan la soo banaanbaxo….

Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Farmaajo uu ku wareejiyay guddi ka kooban Odayaal dhaqmeed, Siyaasiyiin, Xildhibaano, Agaasimayaal iyo Ganacsato dhaqaale dhan $-200,000 (Labo boqol oo kun oo Doollar), Joojinta iyo Carqaladeynta Banaanbaxa ay ku baaqeen Midowga Murashaxiinta, kooxahaan ayaa ku kulmay Hoyga Wasiirka Amniga, waxaana ka mid ah:-

-Cumar Maxamuud Maxamed Filish Gudd. G. Banadir

-Cumar Cali Rooble oo ah Wasiirka Diinta iyo Awqaafta

-Cali Maxamed Geedi

-Maxamed Cismaan Dhagaxtuur oo ah Agaasimaha W. Dekadaha

-Cali Gacal Gaabow oo ah Agaasimaha Wasarda Gaadiidka

-Muxudiin Saabey oo ah Agaasimaha Canshuuraha Barriga, W/ Maaliyadda.

-Maxamed Mowliid

-Ugaas Maxamuud Cali Ugaas

-Suldaan Maxamed Cabdi Shiddo

-Maxamed Yuusuf

-Gurey Xaaji

-Madaxa Canshuuraha Dekeda Mogadishu

Kooxdaan ayaa ka balanqaaday Farmaajo in Dhalinyarada Beelaha Mudulood aysan ka qeyb qaadan doonin Banaanbaxyada ay ku baaqeen Hogaamiyayaasha Midowga Musharixiinta, waxeyna u caddeeyeen iney taageersan yihiin Dib u Doorashada Farmaajo.

97250cookie-checkFarmaajo Oo Dhaqaale Bixiyay Joojinta Banaanbaxyada