Weerar lagu Dilay Dad Rayid ah oo ka Dhacay Degaano Hoostagta Degmada Cadale..

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar xalay lagu dilay 3- Qof oo Rayid ah, Falkaan ayaa la sheegay inuu ka dhacay Degaano hoos yimaada Degmada Cadalle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo Falkaan laga cabsi qabo inuu dib u soo nooleeyay Colaadii Beelaha wada dega Degmada..

Wararka ayaa sheegay in Weerarkaan lagu dilay 3-Qof oo ay geysteen Dabley Hubeysan ayaa ka dhacay inta u dhaxaysa Degaanada Laba Garas iyo Ceel muluq oo ka mid ah Degaanada hoos taga Degmada Cadalle ee Gobalka Shabeelaha dhaxe, marxuumiinta la dilay ayaa la sheegay in dhamaantood yihiin dhalinyaro, kuwaasoo Magacyadooda lagu kala sheegay Axmed Abuukar Aw-Cumar, Cali Muxyidiin Cali iyo Maxamed Cali Maxamuud.

Wararka hordhaca ah ee soo baxaya ayaa sheegaya in dilka ragaan uu salka ku haayo arrimo la xariira aargoosi aanooyin qabiil, waxaana xusid mudan in maleeshiyaadkii dilka geystay ay isaga baxsadeen goobta, Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amaanka maamulka Degmada Cadale oo ku aadan weerarka xalay lagu dilay Dadkaan Shacabka ah.

Si kastaba ha ahaatee weerarkaan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo dhawaan Degaanka Burka Diirimeed lagu soo gabagabeeyay gogol nabadeed oo lagu heshiisiinaayay beelihii ku dagaalamay dhawaan deegaanada hoostaga degmooyinka Raage Ceelle iyo Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

281380cookie-checkWeerar lagu Dilay Dad Rayid ah oo ka Dhacay Degaano Hoostagta Degmada Cadale..