Muxuu yahay Nac-naca “Dhimashada madow ee Aduunka laga hadal hayo..

World

Nacnaca loo yaqaanno ‘Dhimashada madow’ ayaa dood iyo hadal heyn balaaran ka dhex dhaliyay baraha bulshada ee caalamka iyadoo lagu tilmaamay mac macaankii ugu dhanaanaa abid isla markaana lagu sameeyay waxyaabo xooggan oo la xiriira aashito..

Muxuu yahay Nac-nacaan?

Nacnacaan oo midab ahaan madow isla markaana leh dhibco cad cad oo u eg sonkorta ayaa ka sameysan waxyaabo aad u dhanaan iyo aashito saami ahaan xooggan, dadka tijaabiyay ee muuqaallada kusoo bandhigay tijaabadooda ayaa markiiba soo tufayay iyagoo u muuqday iney awoodi waayeen in ay afka kusii hayaan.

Waxaa ku qoran digniino muujinaya in cid kasta ay istcimaali karin, waxaa kamida carruurta ay da’doodu ka yartahay siddeedda sano in aan loo oggoleyn, Ku dhawaad labaatan ilbiriqsi ayey dadku ku dareemi karaan dhadhanka saxda ah ee nacnaca, muddadaasi gaaban kadib waxaa la’isku raacay in qofku uusan xamili karin in uu afka kusii hayo.

Mid kamida dadkii sameeyay tijaabada isla markaana muuqaalkeeda uu yeeshay saameynta ugu badan ayaa ah gabar Soomaaliyeed oo muuqaalkeedu uu noqday kan ugu hadal heynta badan adduunka lana xiriirira nacnaca ‘dhimashada madow’, Gabadhan oo mageceeda saxda ah aan kusoo gelin baraha bulshada ayaa sameysay tijaabo cajiib ah isla markaana dad badan cabsi gelisay.

Waxa dhinaca TikTok-gga ay ku leedahay taageerayaal gaaraya illaa 3 milyan oo iyada raacsan iyo 48 kun oo dhinaca Instagram-ka ah. Waxa ay kusoo gashaa magaca Underrated Hijabi, waxa ayna ku nooshahay UK, Muuqaalka ay soo duubtay ee tijaabada nacnaca ayaa waxaa daawaday in ka badan 50 milyan oo ruux.

280650cookie-checkMuxuu yahay Nac-naca “Dhimashada madow ee Aduunka laga hadal hayo..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com