Qiimaha Shidaalka Caalamka Oo Si Lama Filaan Ah Sare Ugu Kacay.

Business World

Saacadihii ugu dambeeyay Waxaa sare u kacay qiimaha Shidaalka Aduunka, kadib markii Dowladaha ku Bahoobay OPEC iyo Dalka Russia ay soo saareen go’aan ay ku dhimaayaan wax soo saarkood shidaalka uuna bilaaban doono 1-da Bisha May ilaa dhamaadka Sanadkaan…

Kadib go’aankaan ayaa la sheegay in Suuqyada lagu kala iibsado Shidaalka uu Qiimaha saliida ceyriinka ah ee Brent, sare u kacay in ka badan boqolkiiba shan, go’aankaan oo markii hore ay soo saareen Dalka Sacuudiga ayaa waxaa xigay in Dalka Russia ay ku raaceen.

Kororka ayaa yimid kaddib markii dalalka ku bahoobay ururka OPEC, oo ay ku jiraan dhowr waddan oo Khaliijka ah, Ciraaq iyo Ruushka ay ku dhawaaqeen, inay jarayaan wax soo saarka in ka badan hal milyan oo foosto maalintii.

Qiimaha saliidda ayaa sare u kacay bishii Febraayo 2022–kii, ka dib markii Ruushku ku duulay Ukraine.

249640cookie-checkQiimaha Shidaalka Caalamka Oo Si Lama Filaan Ah Sare Ugu Kacay.
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com