Nidaamka Federaaleynta Maaliyada & Qodobada ku Xeeran

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa heshiiska ay wada gaareen Golaha Wadatashiga Qaran oo ku kulmay magaalada Beydhabo, waxeyna isku raaceen in lagu dhaqo Dalka Nidaamka Federaaleynta Maaliyada, Heshiiskaan ayaa ka maqneyd Maamulka Puntland…

Mabaadi’da Federaaleynta Maaliyada (Principal of Fiscal Federalisation) wuxuu ka kooban yahay 2-Qeybood oo kala ah -Asteynta & Cayimida Ilaha Dakhliga -Wadaaga Dakhliga, waana maamul dedejinta Maaliyada & in lagu wareejiyo Mas’uuliyada Maamulida kharashaadka & qoondeynta dakhliga Dowladaha hoose.

Madaxda ayaa ku heshiiyay in la Aasaasi Labada Hey’adood (Hey’adda Dakhliga Qaranka iyo Guddiga Qondeynta iyo dardar gelinta dakhliga, inkastoo weli uu mowduucaan dhaqangelinsiitu ay taagan tahay maadama aysan goob joog ka aheyn Maamulka Puntland loona diray Ergo.

247130cookie-checkNidaamka Federaaleynta Maaliyada & Qodobada ku Xeeran