Hogaanka Socdaalka Somaliland Oo Xilkii ka Xayuubiyay Madaxii Faraca Degaanka Wajaale iyo Sababta..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in Madaxii Waaxda Socdaalka Maamulka Somaliland ee degaanka Wajaale ayaa xilka laga qaaday kadib markii lagu eedeeyay inuu sii daayey Ninkii u ekaa kii Faysal Abdi Bootaan ku qabtay Dagaalkii dhuumo-badane maadama oo isna uu ka soo jeedo Xoogaga SSC ama ku abtirsado Beesha Dhulbahante…

Wararka ayaa sheegaya in Sarkaalka la eryay oo kasoo jeeda Beesha Garxajis waxaana lagu magacaabaa Abdirashiid Axmed Xasan, xogo looga qaateen ah ayaa sheegay in ninka u ekaa kii Faysal qabtay ee la xiray uu sii deyntiisa amray Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Mr Faratoon, sarkaalkan la eryayna ka qaatay amarka Gudoomiyaha.

Sidoo kale, Saraakiil ku heyb ah Sarkaalkii Heystay Xoogagii Fariisinka Goojacadde ayaa ka xanaaqay in si fudud lagu dhammeeyay kiiskaas oo ninkii dhalinyarada ahaa ee la qabtay Jigjiga u gudbay, Maamulka Muuse Biixi ayaa u muuqda inuu cagta saaray wadadii burburka.

280000cookie-checkHogaanka Socdaalka Somaliland Oo Xilkii ka Xayuubiyay Madaxii Faraca Degaanka Wajaale iyo Sababta..