Soomaalida Oo Caro Ka Muujiyeen Hadaladii Naceybka Xambaarsanaa ee Adna ee Xarunta EU-da

Somalia news World

8-dii Bishii Maarso ayaa waxaa la sheegay in Xubin ka tirsan Kooxda Gooni goosadka Spain magaciisana lagu sheegay Carles Puigdemont, ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka EU-da, ayaa ku casumay Duqa lagu magacaabo Adna Aadan Ismaaciil oo u halganta sidii loo aqoosan lahaa Maamulka Waqooyiga Somalia, waxeyna jeedisay Khubad naceyb iyo muran badan dhalisay….

kulanka oo Ciiwaan looga dhigay “Africa Qarniga 21-aad Siohdimahii hore iyo kuwa cusub”, Khudbada ayaa ka muuqatay Naceyb iyo hadalo deelqaaf ah kaasoo caro xoogan ka dhaliyay Jaaliyaha Soomaalida ee Dibeda, waxaana loogu baaqay Dowladda Federaalka iney ka hadasho oo mowqifkeeda ka dhibaato Sababaha EU-da u wado olole dhan ka ah Qaranimada iyo Midnimada Somalia.

Shuruucda EU-da u degsan ayaa ka mamnuucaya in xarunteeda laga jeediyo Khudbado naceybka jinsiga iyo takoorka xambaarsan, iyadoo in shuruucda Caalimiga ee ciribtirka noocyada takoorka ee axdiga Caalamiga ee xuquuqda Madaniga ah iyo Siyaasada, waxaase la yaab ah in Dowladda Federaalka ay ka gaabsato ka hadlka dhacdadaan isla markaasna ay Wakiilada EU-da weydiiso sababaha keenay arrimahaan.

247160cookie-checkSoomaalida Oo Caro Ka Muujiyeen Hadaladii Naceybka Xambaarsanaa ee Adna ee Xarunta EU-da
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com