Nidaamka Maaliyadeed Ee Mobileda Oo La Bedelaayo

Somalia news

Hay’adda lacagta adduunka (IMF) ayaa ka dalbatay Dowlada Federaalka inay dedejiso diiwaan-gelinta shirkadaha ka shaqeeya lacagaha la isugu diro mobile-ka ee Somalia (EVC) iyo kuwo kale, si nidaam maaliyadeed loogu sameeyo qeybta lacagaha mobile-ka….

IMF ayaa Qoraalka ay soo saartay Khamiistii, kadib wada-hadallo socday toddobaad oo ay la yeelatay Madaxda Wasaarada Maaliyada, iyadoo ku wargelisay in loo baahan in la xaqiiyo diiwaan gelinta shirkadaha lacagaha mobile-ka, taasoo ay sheegtay inay muhiim u tahay ka hortagista lacagaha sharci-darrada ah iyo been xalaaleynta lacagaha.

Saraakiisha Hey’adda waxay intaas ku dareen inay isku raaceen Madaxda Wasaarada nidaam cusub oo xaqiijin doona daah-furnaan ayada oo la diiwaan-gelinayo shirkadaha.
Bankiga Adduunka ayaa warbixin uu soo saaray 2018 uga digay in maqnaanshaha qaab sharciyeed lagu xakameynayo adeegga lacagaha mobile-da ay khatar ku tahay dhaqaalaha, sababo la xiriira saameynta ay yeelan karto haddii ay shirkadaha lacagaha mobile-da ay burburaan.

Sida ay sheegeen Howlwadeenada Bangiga, dhaqaale dhan 155 milyan oo jeer ayaa bishii gudaha Soomaaliya lacagaha la isku dhaafsadaa mobile-da, taasi oo qiimo ahaan gaareysa 2.7 milyan oo dollar, inkasta oo la rumeysan yahay in lacagta ay intaas aad uga badan tahay.

62730cookie-checkNidaamka Maaliyadeed Ee Mobileda Oo La Bedelaayo