Qareeno Dawcad Ku Soo Oogay Mr.Beyle

Somalia news

Ururka Qareenada Soomaaliyeed ayaa sheegay iney Dacwad ku soo oogayaan Siihayaha Wasiirka Maaliyada Mr.Cabdiraxman Beyle, iyagoo dacwadoodu saldhig uga dhigay xeer uu soo saaray Wasiirka oo Canshuuro ku soo rogay…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Xeerkaan loogu magac daray “ajuurada Maxkamadaha”, kaasoo soo baxay 20-09-2020, waxaana ku saxiixay Mr.Beyle, Qareenada ayaa sheegay in Wasiir Sii-haye ah uusan xaq u laheyn inuu soo saaro xeer uusan marsiinin Golaha Wasiirada kadibna laga ansixin Golaha Shacbiga.

Qareen Cabdulqaadir Maxamed Muuse ayaa sheegay in Ururkooda ay guddi Qareeno ah u saareen Xeerkaan, ayna Dacwad maamul oo dhan ka ah Wasiirka u gudbin doonaan Maxakammada. Xeerkaan ayaa dhigaaya in aid kasta oo Dacwad furta laga rabo tariifo lacageed waxaana ugu yar Khidmadaasi midna Madaniga ah oo dhan 200-US$, sidoo kale Qareenada ayaa laga rabaa Khidmad dhan 500-US$, iyo sanad kasta Qareenada laga rabo 300- US $ oo lagu cusbooneysiinaayo Ruqsadaha.

62660cookie-checkQareeno Dawcad Ku Soo Oogay Mr.Beyle