Ma Dhabaa in Axmed Uu Xabsiga dhigay Odayaal Dhaqmeed Degaanka ku nool

Somalia news

Warbixino hordhac ah ayaa muujinayaa in Ciidamada Amaanka Jubbaland ee Magaalada Kismaayo ayaa xabsiga u taxaabay Odayaal Dhaqmeed ku nool magaalada Kismaayo kuwaasoo la sheegay in looga yeeray Degmada Jamaame oo ay maamulkeeda gacanta ku hayaan Horjoogayaasha Kooxda Argagixisada Shababka…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Odayaashaan oo tiradoodu tahay 3-Oday Dhaqmeed ayaa muddo labo todobaad ka badan ku xiran xabsi Qarsoodi ah oo Maamulka Axmed Madoobe ka dhistay Magaalada Kismaayo.

Odayaashaan oo ka soo jeeda Beesha Harti ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Ugaas Axmed Ugaas Siraad Ugaas Baqow, Nabadoon Cabdullaahi Bile Siciid iyo Nabadoon Cabdi Bare Maxamed (Bare Ashuun), waxaana la xiray kaddib markii ay degmada Jilib u tageen xarig ay Kooxda Shababka u gaysatay ganacsato ka soo jeeda beeshooda.

Wararka ayaa sheegay in Saddexda Oday-dhaqameed ayaa weli wax maxkamad ah la hor geynin, maamulka Jubalandna wuxuu mamnuucay in laga hadlo xarigooda sida uu sheegay Nabadoon ku sugan Kismaayo oo codsaday in aan magaciisa la xigan sababo amni awgeed.

Dhaqanka ku tumashada xuquuqda Muwaadinka ayaa joogto noqotay intii uu xilka la wareegay Maamulka Villa Somalia (Xasan Sheekh), waxaana magaalada Muqdishu lagu xiray ku dhowaad 147-Qof oo qaarkood Xabsiyo gaar ah lagu hayay 57-Maalmood iyagoo aan wax Maxkamad ah la horgeynin.

227570cookie-checkMa Dhabaa in Axmed Uu Xabsiga dhigay Odayaal Dhaqmeed Degaanka ku nool