Nin Toorey Ku Weeraray..

Health

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Cabdiraxman Muxumed Cumar oo ay walaalo yihiin madaxweynaha degaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar ayaa lagu dhaawacay Tooray magaalada Dhagaxbuur xalay fiidnimadii sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Cabdiraxmaan oo ah maamulaha Isbitaalka Dhagaxbuur ayaa dhaawaciisa la dhigay isla Isbitaalka guud uu maamulaha ka yahay halkaasoo haatan lagu daweynayo.

Saraakiisha amaanka magaalada Dhagaxbuur ayaa sheegaya in la qabtay ninkii toorey ku dhuftay Cabdiraxmaan haatana xabsiga la dhigay

Weli si rasmi ah looma oga sababta uu ninkan tooreyda ugu dhuftay maamulaha, balse ciidanka amaanka ayaa sheegaya iney wadaan baaritaano arrintan la xiriira.

20010cookie-checkNin Toorey Ku Weeraray..