Hargeysa: Fanaanad Shaqada Ciidanka Laga Joojiyey

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga soo Sheegaya Fanaanada Sahra Axmed Cabdillaahi (Sahra Ilays), oo ka mid ah fanaaniinta Ciidanka Somaliland, ayaa sheegtay in shaqadii ay ciidanka u haysay laga joojiyay kadib, markii lagu eedeeyay iney ka heestay shirweynaha labaad xisbiga mucaarad ka ah ee Waddani…

Fanaanada ayaa sheegtay “Anigu waxan ka tirsanahay Ciidanka Somaliland, markaa saaka la ii yeeray oo laygu yiri Sahray maadaama oo aad u heestay Waddani shaqadii waanu kaa joojinay” Sahra Ilays ayaa hadalkaa ka sheegtay maalinta labaad ee shirwayne xisbiga Waddani oo ka socday hotelka Maansoor ee Hargaysa.

Sahra ayaa intaasi raacisay “ iney horay ugu heestay xisbiga Kulmiye, maantana ay u heesayso xisbiga Waddani, isla markaana, Waddani iyo Kulmiye ay yihiin laba xisbi oo siman, waxayna sheegtay in anay horay u ahayn xisbi gaar ah lakin, ay maanta xisbiga Waddani ku biirtay madaama oo shaqadeedi looga eryay in ay u heestay.

151180cookie-checkHargeysa: Fanaanad Shaqada Ciidanka Laga Joojiyey