Maxaa Xiligaan ka Aamusiyay Taageerida Maamulada Gobolada ee Ansixinta 4-Cutub ee Dastuurka..

Somalia news

Inkastoo ay horey u oggolaadeen Maamulada Gobolada, haddana Weli si cad uma taageerin ansixinta 4-ta Cutub ee Dastuurka oo ka kooban 15-Cutub, waxaana diiday Maamulka Puntland oo muddo 7-sano mucaarad ku ahaa Hogaanada Talada Villa Somalia haya..

Si dhab ah ilaa hadda looma oga Ujeedada ka dambeysa Aamusnaanta Maamulada Gobolada, iyadoo Qeybaha tira yar ee Mucaaradka sida Madaxweynayaal hore iyo Ra’iisul wasaarayaal hore ay ka biyo diideen Mashruucaan, waxaase marqaati ma doonto ah in Maamulka Puntland uu xiligaan Go’doon siyaasadeed la halgamaayo.

Mase cadda in Maamulka Dani ee Puntland iney ku dhiiran doonaan iney u yeertaan Xildhibaabanada, Senatorada ito Wasiirada ku metala Dowladda Federaalka kuwaasoo dhamaantood taageeray Mashruucaan, iyadoo la filaayo in 2-Bil kadib uu sii socon doono Dooda Xildhibaanada ee 11-ka kale ee Cutub ee harsan kadibna waxaa halkaasi ku soo af jarmi doona Dastuurka KMG ah.

Si kastaba ha ahaatee Aamusnaanta Maamulada Gobolada ma waxey ku saleysan tahay dhagar cusub oo ay la maagan yihiin Kooxda Villa Somalia, mise waa dheef ka dhiidhin doonta Mucaaradka tirada yar xiligaan daawadayaal ka ah wax ka bedelka Mashruuca Dastuurka iyo Siyaasada Somalia.

318440cookie-checkMaxaa Xiligaan ka Aamusiyay Taageerida Maamulada Gobolada ee Ansixinta 4-Cutub ee Dastuurka..