Odayaal Jirdil Iyo Xarig Loogu Geystay Degmada Hobyo

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Odayaal iyo Waxgarad ka tirsan Beelaha H/G ayaa la sheegay in jirdilo iyo rasaas loo Adeegsaday kadibna ay ka biyo diideen Qorshayaal ay Wateen Horjooge Cabdi Qeybdiid iyo xubno u Adeege Maamulka Fashilmay ee Farmaajo..

Xogtaan ayaa Diinah.com news u sheegtay in Ciidamo ka tirsan Kuwa Danab iyo Maleeshiyaad daacad u ah Hogaamiye kooxeedka Cabdi Qeybdiid ay jirdilo iyo xarig sharci darro ah u geysteen Tiro Odayaal iyo Waxgarad degaanka ka soo jeeda kuwaasoo diidan qorshaha loogu gacan gelinaayo Dekada Hobyo Maamulka Dooxa.

Wararka ayaa intaasi raaciyay in Shaqsi lagu magacaabo Marsho Mire Kuxigeenka ka ah Ciidamada Danab uu fuliyay Howlgalada jirdilka loogu geystay Odayaasha iyo Waxgaradka, wuxuuna ku amray iney ka baxaan Magaalada “hadii kale Waan idiin leynayaa” ayuu u sheegay Odayaasha.

Oday ka mid ah Odayaasha Beesha Ayaanle Sacad Nabadoon Cali Xuseen Oo degaanka ka soo jeeda ayaa sheegay Ciidankii Mareykanka mushaarka siinayeen ee DANAB looguna talo galay iney la dagaalama Kooxda Shabaabka iyo burcad badeedii, ayaa loo adeegsanayaa in lagu caburiyo Odayaasha degaanka.

Xaalka maanta wuxuu marayaa Odayaashii Sacad in lagu xir xiro Galkacyo iyo Hobyo, bal qiyaas berri waxa xigi doono!!?

42640cookie-checkOdayaal Jirdil Iyo Xarig Loogu Geystay Degmada Hobyo