Macallimiin Dugsi Quraan Oo Lagu Laayay Cadale

Somalia news

Wararka hordhaca Ee laga helaayo Degmada Cadale Ee Gobolka Shabeelada dhex ayaa sheegaya in koox Dabley ah ay Dil-wadareed u geysteen Macalimiin Dugsi quraan oo subac ku jiray Saakay Salaadii Subax…

Wararka ayaa sheegaya in Dablay hubeysay ay degmada Cadale ku dileen 5-Macalin dugsi qur’aan xilli ay ku jireen akhrinta Subac quraanka kariimka ah, Magacalinta la dilay ayaa lagu kala magacaabayay

-Sheekh Daahir Xasan Cali

-Macalim Maxamuud Canbuure

-Macalim Maxamed Xuseen Axmed Caddaawe)

-Macalim Mukhtaar C/laahi Cilmi, iyo

-Ow Muxumud Xasan Calli.

Marxuuminta la dilay ayaa Waxaa ka mid ah sida wararku sheegyaan laba macalin oo walaalo ah, oo lagu kala magacaabo Sheekh Daahir Xasan Cali iyo Ow Maxamuud Xasan Cali.Wali ma jirto cid loo soo qab qabtay falkaan naxdinta leh, maamulka Gobolka iyo kan degmada wali kama hadlin.

61270cookie-checkMacallimiin Dugsi Quraan Oo Lagu Laayay Cadale