Ma Dhabaa In Dagaal-Siyaasadeedka Xasan Sheekh & Abiy uu Dardar ku Bilaawday

Africa News Somalia news

Qorshayaal is-khilaafsan ayaa lagu eedeeyay in Madaxtooyada Villa Somalia si hoose u wado, iyadoo si qarsoodi ah u diyaarisay in Madaxweyneyaasha Maamulada Galmudug & Konfur galbeed ay la dooneyso iney Xilalkooda laga qaado marka la gaaro xiliga Doorashada…

Ilo wareedkaan ayaa sheegay in Wasiirka cusub Awqaafta & Arrimaha Diinta Sheekh Mukhtaar Roobow loo wado inuu noqdo musharax Madaxweyne ee Dowlad Goboleedka Konfur galbeed dhamaadka Sanadkaan hadii aan waxba iska bedelin, Halka Wasiiro Dowlaha Madaxtooyada Abshir Bukhaari isna loo diyaarshay in lagu bedelo Axmed Qorqor Madaxweynaha Galmudug.

Laba todobaad ka hore ayaa Maamulka Xasan Sheekh, wuxuu maalgeliyey kulan ay Mogadishu ku qabteen Koox ka soo horjeeda Maamulka Konfur galbeed, waxaana hormuud u ahaa Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Mr.Jawaari & Shariif Xasan, sidoo kale Koox ka soo horjeeda Maamulka Qorqor ayaa kulan ku qabsaday magaalada Mogadishu, talaabooyinkaan ayaa muujinayaa in Mogadishu ay tahay xarunta laga maleegaayo in isbedel cusub laga hirgeliyo Hogaanada Galmudug & Konfur galbeed.

Dhanka kale Shalay Waxaa Magaalada Beydhabo soo gaaray Madaxa Ciidamada Federaalka & kan Degaanka Soomaalida Ethiopia kuwaasoo fariin taageera u muuqata soo gaarsiiyay Madaxweynaha Maamulka Konfur galbeed, waxaana shaki ku jirin dagaal siyaasadeedka Hogaanada Siyaasada Ethiopia & Somalia uu gaaray durbadiiba halkii ugu hooseysay.

205550cookie-checkMa Dhabaa In Dagaal-Siyaasadeedka Xasan Sheekh & Abiy uu Dardar ku Bilaawday