Soomaalida UK Oo Cabsi Xoogan Ka Soo Food Saartay Kooxaha Xag-jiriinta.

Somalia news

Muwaadiniinta Soomaalida ee ku nool Boqortooyada UK ayaa sheegay iney soo gaareen Fariimo hanjabaad ah oo uga imaanaya Dad ka xun dilka loo geystay Xildhibaan David Amess oo dilkiisa loo xiray Wiil Asal ahaan Soomaali ah sida ay xaqiijiyeen Hay’adaha Amaanka Dalkaasi..

Saraakiil ka tirsan Dowladda Great Britain ayaa sheegay iney wax ka qabanayaan dadka Hanjabaadda u diraya Bulshada Soomaaliyeed taas oo keenni karta naceyb loo qaado Ajaanibta gaar ahaan Soomaalida, Jaaliyadda Soomaalida Ingiriiska ayaa sheegtay in tiro kamid ah Muwaadiniinta Soomaaliyeed ay soo gaartay hanjabaad qaarkood lagu wargeliyay in loo dili doonno.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in ka jaaliyad ahaan ay ka falceliyeen dilka loo geystay Xildhibaankaan isla markaana ay muujiyeen in muwaadinta ku eedeysan falkaan lagula xisaabtamo wixii mas’uuliyad ah oo ka yimaada waxa uu sameeyay.

“Warbaahinta ayaa nagu bidhaameysa Dadka Hanjabaya, Dadka waddankaan degen waxa ay fiirinayaan Magaca Soomaaliya oo ma eegayaan kan British, Dadka neceb ee Ajaanibta gaar ahaan Muslimiinta ayaa bilaabay in ay direen Waraaqo Hanjabaad ah, waxaana la xiray Xafiisyada qaar si looga feejignaado sheekadaan socota” ayuu yiri Kaahiye Cilmi.

146600cookie-checkSoomaalida UK Oo Cabsi Xoogan Ka Soo Food Saartay Kooxaha Xag-jiriinta.