Faahfaahin ayaa laga helayaa Maamulka Puntland ayaa Gaadiid loogu tala galay Boliiska Galmudug oo in muddo ah ku Xayirnaa Dekada Magaalada Boosaaso kana koobnaa waxay 20-Gaari oo iskugu jira kuwa Cabdi bilaha, Booyad iyo Anbalaas.
Wararka ayaa sheegay in Maamulka Puntland, Gaadiidkaan ku qabtay Dekeda Bosaso xiligii Khayre Ra’isalwasaaraha ahaa, waxaana soo gaday Ganacsade Ku heyb ah Kheyre, Qorshaha loo waday, waxaa lagu sheegay markaas in ay leeyihiin Ciidamada PSF, waxaana horgal ka ahaa Cabdixamiid Dirir Ninka hada ku magacaaban Talyaha Ciidamada Bada ee Muqdisho.
Balse waxaa la ogaaday in Gaadiidkaas looga dan lahaa qorshayaal kale beena ay ahayd in PSF leedahay, Macluumaadka waagaas la ogaaday, waxay ku qotomeen.
-In lagula dagaalamo Kooxdii Ahlusunna oo xiligaas Dhuusamareeb haysatay
-In Degaanada Galmudug lagu khalkhal geliyo.
Maamulka Puntland ayaa Gaadiidkaas Dekaday dhigtay oo ku xanibtay, hase yeeshee Maanta lagu wareejiyo Maamulka Galmudug waa wax loo baahnaa oo mudan in la bogaadiyo,sababtoo ah waxaa jabay oo kala daatay Ciidamadii 6-dii bilood ee lasoo dhaafay la diyaarinayay ee Galmudug iyo Fadaraalka.