Xoogaga Amaanka Puntland Oo Howlgalo Fuliyay

Somalia news

Xoogaga Amaanka Puntland gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee PSF ayaa waxa ay soo bandhigeen macluumaad ku saabsan howlgallo qorshaysan oo ay saacadihii ugu dambeeyey ka fuliyeen deegaamo ka tirsan Gobolada ay maamulaan..

Qoraal lagu baahiyey barta Facebook ee ciidanka PSF ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalladdaasi qorshaysan oo Amaanka lagu xaqiijinayo ay Ciidamadu ka fuliyeen degaano dhowr ah oo ay kamid yihiin Durduri, Ceelaayo, Dhadhaab, Warbid, Majayahan iyo Togga Dhagcaan.

Mudadii ay socdeen howlgalladaani ayaa ciidanku sheegeen inay burburiyeen godad ay kooxaha nabad diidka ah ee Kooxda argagixisada shabaab ka samaysteen degaano buuraleey ah si ay uga soo maleegaan falal lagu waxyeelaynayo ammaanka bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan Gobolka Bari.


137990cookie-checkXoogaga Amaanka Puntland Oo Howlgalo Fuliyay