Puntland Oo Joojisay ku Shaqeyntii Nidaamka Furdooyinka Federaalka Somalia.

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee Maamulka Puntland ayaa sheegaya in Maamulka Dani uu si rasmi ah u shaacisay iney gebi ahaanba joojiyeen wada shaqeyntii Nidaamkii Furdooyinka Federaalka Somalia ee SOMSAT, iyadoo degsatay Nidaam u gaar ah…

Wararka ayaa sheegay in qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Maaliyadda Maamulka Puntland ayeey ku sheegtay iney joojisay sistemkii Furdooyinka Somalia ee ganacsatadu ku soo dalban jirtay cadeynta alaabta, Qoraalka Wasaarada ayaa lagu caddeeyay in Puntland hirgelisay nidaam furdooyin oo u gaar ah kaas oo lagu magacaabo (PUNTCAS).

“Waxaa loo guuray habka computerized ah oo u gaar ah dowladda Puntland loona yaqaan (PUNTCAS)” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Maaliyada ma faahfaahin sababta ay uga guurtay nidaamkii guud ee Furdooyinka Dalka oo ay hore u isticmaali jirtay.

275010cookie-checkPuntland Oo Joojisay ku Shaqeyntii Nidaamka Furdooyinka Federaalka Somalia.